Madaxwayne Ciro oo Xabsiga U taxaabay Wadaadkii ka Horyimid Aqoonsiha Yahuuda

Maamulka Somaliland ayaa bilaabay inay xiraan culumada iyo waxgaradka kasoo horjeestay in heshiis lala galo yahuuda ilaahay nacaladay.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamed-wali Cabdirashiid oo ka mid ah culimada waaweyn ee deegaanada maamulkaasi.

Sheekha ayaa maanta salaaddii jimcaha wuxuu ku sheegay in hoggaamiyaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ay isaga iyo culimo kale oo la kulmay ay u sheegeen inuusan saxiixin heshiiska Isr***l maadaama uu lidi ku yahay Diinta Islaamka sida culimadu u sheegeen Cirro.

Sheekh Maxamed-wali ayaa sidoo kale waxaa uu u sharaxay bulshada nuxurka heshiiska ee bulshada horay looga qariyey.

Ciidanka Somaliland ayaa Sheekha ka xiray Masjidka salaadda cishaha kadib waxaana lagu haystaa sida dad xog ogaal ah ay xaqiijiyeen ka hadalka arrintaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.