Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qayb galay Munaasabad ay Dowladda Galmudug kula wareegtay Xaruntii loo diyaariyay Xafiiskii Siyaasadda Qaramada midoobey ee Galmudug, kaasi oo si guud dalka oo dhan, shaqadiisu ku egtahay Oktoobar 2026.
Madaxweynaya ayaa hay’adaha kale ee Qaramada midoobay ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan Xafiisyadan, si loo xoojiyo adeegga loo hayo Bulshada Reer Galmudug.
Munaasibada waxaa ka qayb galay Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, mudane James Swan.
Leave a Reply