Malaga Yabaa Xasan Sheekh Inuu U Jawaabo Trump oo Aflagaado u gaystay Soomaaliya

xasansheekh

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo ka hadlayay weerar ka dhacay meel u dhow Aqalka Cad ee dalkaas, oo lagu toogtay laba askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa soo hadal qaaday Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah ee ku nool gobolka Minnesota.

Trump ayaa ku eedeyay maamulkii Joe Biden ee isaga ka horreeyay in dalka uu u ogaaladay in ay soo galaan dad ka badan 20 milyan oo qof oo aan la aqoon sida uu hadalka u dhigay isla markaana ka kala yimid dalal aan la aqoon.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay keentay in dalka Mareykanku uu wajahayo khatar dhanka amniga ah oo kaga imaanaysa dadkaa fursadda loo siiyay in ay yimaadaan Mareykanka.

Wuxuu intaa raaciyay in uusan jirin dal u dul qaadan kara waxyaabahan oo kale oo uu dabcan ula jeedo soo galootiga oo mar walba Trump uu si weyn uag soo horjeedo.

Madaxweyne Trump ayaa tusaale u soo qaatay mar kale Soomaalida Mareykanka gaarahaan kuwa ku nool gobolka Minesota oo u sheegay in “ay burburiyeen isla markaana halkaa ay ka gaystaan falal isugu jira dhac iyo dilal,”.

Trump iyo Soomaaliya

Trump kuma uusan ekaan Soomaalida ku nool Minesota, ee wuxuu sidoo kale soo mar kale weerar afka ah ku qaaday dalka Soomaaliya, isagoo yiri: “Soomaalida Minnesota waxey ka yimaadeen dal aan dowladi ka jirin, sharci ka jirin, biyo la’aan ah, milatari laheyn oo aan waxba ka jirin,”.

Dhanka kale wuxuu ku tilmaamay in Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareyska Mareykanka ay tahay wakiilka Soomaalida, isla markaana u sheegto dadweynaha Mareykanka waxyaabaha ku saabsan dastuurka dalkaas.

Waxaa la sugayaa jawaabta ay ka bixin doonto dowlada Soomaaliya madaama marar badan Trunp ku celceshay inaan dowlad ka jirin Soomaaliya oo aysan Madaxwayne iyo Ciidan toona lahayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.