Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay saameynta ay sheegeen Abaaro Sababay biyo iyo basd la’aan ka jirta dadka Soomaaliyeed.
Xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka waxa ay si toos ah u saameeyeen ku dhowaad 5 milyan oo qof, kuwaas oo aan helin gurmad u dhigma xaaladda ay ku jiraan oo soo jiitamaysay labadii sano ee la soo dhaafay.
Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada iyo ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan samata bixinta dadkeenna dhibaataysan, maadaama ay hoos u dhaceen kaalmadii binu-aadantinimo ee caalamiga ah, taas oo aan daboolin haatan wax ka badan 25% dadka u baahan gurmadka degdegga ah.
Sidoo kale, qurba-joogta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ku adkeynayaa in loo midoobo ka jawaabista xaaladdan adag ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed, anigoo ka rajaynaya Beesha Caalamka in ay dardar geliso sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa kumannaanka qoys ee tabaaleysan.
Alle waxaan ka baryayaa in uu dalkeenna iyo dadkeenna ka dulqaado duruufaha adag, naguna mannaysto nimcadiisa oo ay ugu horreeyaan raxmadda roobka oo ay ku tiirsan tahay nolasha dadka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
Leave a Reply