Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Cambaareeyey Xarig Dowlada Soomaaliya u gaysatay shacab ka horyimid boobka dowlada Xasan Sheekh ku hayso Dhulka danta guud iyo midka gaar ahaanaydba.
Waxaan cambaaraynaynaa xarigga iyo tacaddiga loo geystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u istaagay matalaadda iyo difaaca xuquuqda dadka lagu barakiciyey suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka midyihiin;
• Cabdi Shidane Hiraabe
• Cabdullaahi Cabdi Maxamuud
• Xabiiba Cabdi Cali
• Samsam Cumar Cali
• Raaxo Xasan Jimcaale
Muwaadiniintan waxa ay si nabad ah ugu halgamayeen xuquuqda dadka nugul ee halkaas ku dhaqnaa, si looga hortago barakicin iyo khasaaro dhaqaale oo ballaaran. Codkooda meeshii la dhageysan lahaa, waxa loo adeegsaday awood ciidan iyo xarig sharci darro ah, taas oo ka turjumaysa in laamaha amniga loo adeegsanayo dano gaar ah oo aan waafaqsanayn danta guud.
Madaxda dowladda iyo laamaha amniga ee ay khusayso waxaan ugu baaqaynaa in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan dadkaas, lagana waantoobo tallaabooyinka xadgudubka ku ah xuquuqda muwaadiniinta ee uu dammaanad qaaday Dastuurka Kumeelgaarka ah, gaar ahaan xorriyadda hadalka, isu-soo-baxa iyo muujinta cabashada.
Leave a Reply