Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo Safar ku Tagay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wafti uu Hogaaminaayo, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyey Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Islaam Axmed Madoobe.
Labada Madaxwayne warvsaxaafadeed ma maqan balse warbaahinada dowlada iyo kan Jubbaland ayaa warar kale duwan lagu baahiyey
Warbaahinada Dowlada ayaa sidaan baahisay Safarkii madaxwayne Xasan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubaland.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa wadatashiyada ku aadan geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
Safarka Madaxweynaha wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jiraan adkeynta midnimada dalka, kor u qaadidda isfahamka iyo mideynta aragtiyada ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.”
Halka Axmwd Madoobe bartiisa Facebook uu sidaan ku qoray.
“Waxaan maanta Magaalada Kismaayo kusoo dhaweynay walaalkay Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Dowladda Jubaland mar walba waa u furan yihiin albaabada wada-hadalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.”
Qoraladaan kala duwan waxay ku tusaysaa inaan laga heshiin qilaafkii udhaxeeyey Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah.
Leave a Reply