Waa yaabe qabkii iyo dadnimadii Soomaalida lagu yaqiin xaggee ka baxay? Garaahadii iyo dareenkii dadkayagu ma dhumeen? Aragii iyo maqalkii ma dam baa?.
Diinta Islaamka oo noo ahayd muqadis lama taabtaan ah ma ka kaaftoonay? Maxaa noo haray oo sugaynaa?
Markii aan eegay joqoraafiga lambar 7 u qaabaysan ee Soomaaliya taladiisa gacantayada kuma jirto, bal eega Juba Hoose Keenya baa gacanta ku haysa oo ku ilaashanaysa ceelashii shidaalka oo ay xukunkii Maxkamada Adduunka diiday.
Gobolada Gedo, Bakool, Bay, Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan si toosa Itoobiya baa gacanta ku haysa, inta ka shisheeyana horay bay u maamuleysay.
Gobolka Awdal Dowlada Jabuuti baa baryahaan dagaal ka waday si ay inteed ugu darsato markii ay aragtay inaan Soomaalidu dalkeeda dan ka lahayn oo la kala qaadanayo, waxa aan dowladda ku nahay ma Xamar oo hareeraysan baa?.
Dhaqankii beelaha Soomaalida oo qaybta ugu weyn ka qaadan jirey waa la dhalan rogay oo madax dhaqameedkii inta howshii reerka gabay bay tii madaxweynaha iyo wasiirada ku haystaa.
Habkii waxbarashada iyo diintii Islaamka oo ubadaka lagu barbaarin jiray sidii maalinba musbaar loo siibaayey waa nalaka tirtiray, waana tan maanta keentay in baarlamaankii u Barrero in ay ku doodaan gaalo waa u dhawaaneynaa waana wada gaaloobaynaa sharci Diinta. Ka horimaanayana maanta baarlamaanka waa ka ansixineynaa,waana ka dhabeeyeen,bal kilibka hoose dhegaysta.
Maharin hadal lays yiraahdaa wax noo haray ma jiraan ee aan dawladaha dariska ah kala raacno ama aan naf iyo dhiig u hurno in aan is badbaadino.
Maanta waxay taagan tahay wixii dhiig lahoow kaca ,culumada safka hore ha soo istaagto, dhalinyaradu dhiigooda ha hureen,kuwa hantida haystaa ha hureen wixii ka dhacay baarlamaanka 03/10/2025 wax la dhawran karo maaha.
Wabilaahi towfiiq Jimcaale
Leave a Reply