Farmaajo oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa loo doortay Waqooyi Bari

Farmaajo

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxwaynaha iyo Kuxigeenkiisa ee Diwlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil.

Hoggaanka la doortay ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo doortay oo ay ugu horreyso dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowladeed, xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada deegaanka, adkaynta amniga iyo xaqiijinta hiigsiga dadja deegaanka.

Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa Xildhibaannada, Guddoonka iyo Guddiga Doorashada, musharrixiinta iyo laamaha amniga, anigoo ku adkeynaya bulshada iyo hoggaanka Waqoogi Bari in ay adkeeyaan midnimada iyo wadashaqeynta ku aaddan nabadda iyo horumarka.

DHAMMAAD

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.