Xaalka Soomaaliya Ku Sugan Tahay Waa Meel Quus ah!!!?

Shariif

Run ahaantii meesha dalka Soomaaliya maanta maraayo waa meel quusa ama u dhaw raga sare ka muuqdaa waxay isku magacaabaan mucaarad dawlad dhaliilsan iyo kuwo sheegaynaaya hoggaankii ummadda Soomaaliyeed, ayaga baa is hiifa oo isku haya oo kaliya in guriga madaxtooyada qolaba ayadu in ay fariisato jeclaan lahayd ayyaga oo aan dadka, diinta iyo dalka midna u shaqayneeyn ee u adeegaaya dawlado shisheeye.

Intaanaan meelo fog aadin oo ah halka nala ka dumiyey oo weli nala ka haysto bal xuduudahayga iyo gudahayaga aan fiirino.

1-Keenya maxay ku haysaa xadka aan wadaagno.

2:-Itoobiya gobolada Gedo,Bakool, Bay, Hiiraan iyo Awdal maxay ka suubineysaa?.

3:- Imaaraadka Soomaalilaandhi, Puntilaandhi, Banaadir iyo jubalaandhi, kuwa madaxweynayaasha sheegta ee joogaa waa la wada saxiib haddana waa yaabe afartuba waa col aan dab kala qaadan, kaaga sii darane waxay ka dhex samayteen xeryo tababar ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo la mid ku dalal dhowra oo carbeed soo dimiyey Suudaana hadda ka wada.

Ma qarsoona in Imaaraadku fulinaayo qorshe dawlado waaweyn oo ah kuwii awalba na dumiyey haddana noo Bislaynaaya in dawladaha dariska ah nala ku kala daro oo magaca Soomaaliya maabka aduunka laga waayo sidii dawladii weyneydee la oran jirey JOSLAVAKIYA.

Ugu danbayn Maxaa loo waayey nin kaliya ee khatarta dalka ay ku hayaan dawladaha dariska ah iyo imaaraadku ka hadla marka laga soo tango in ayagu is cambaareeyaan oo dhibaatada nahaysata midba mid ku eedeeyo, mase ogtihiin ninwalba in uu ku faano aniga dawlad hebla baan jaajuus u ahay, mase ogtihiin in kuwaan aan naqaan kuwo aan ahayn oo badan ay joogaan aan qarsan in ay dawlad jaajuus u yihiin oo uga mushaar qaataan.

Waxaan is weydiiyaa aqooyahankeena wax bartay see yihiin? culumaa’idiin ka Maxaa ku dhacay, dhalinyarada dalka Maxaa helay, Awaye ururadii bulshada?.

Aan soo gunaanadee dal waxaa daafacda shacbiga, haddii la waayo Shacbi madaxda ay ka baqaan ayyagaa ku danaysta sida hadda Dalkayaga ka jirta, ogaada dalkayaga, dadkaya iyo diintayada waxaa loo adeegsaday waa daroogo sida qaad, xashiis, khamri iyo qabyaalad ee ma toosnaa oo ma la dirirnaa?.

Wabilaahi Towfiiq

W/Q Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.