Madaxwayne Laftagareen oo Gudoomiye Aadan Madoobe kudoo Dhaweeyey Xudur

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano, ayaa maanta soo gaaray magaalada Xuddur, xarunta gobolka Bakool.

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xuddur si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoo ay sidoo kale goob-joog ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Xuddur.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Xuddur, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inuu kulammo kala duwan la qaato maamulka gobolka Bakool, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, iyo saraakiisha ciidamada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo taageerada dowladda dhexe ee heer gobol.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.