Itoobiya ayaa Sii Daysay Ciidamadii Dowlada ee Xalay Ka Qafaasheen Degmada Doolow

itoobiyo

Ciidamada Itoobiya ayaa xalay waxay weerareen Xeradii nabad sugida Soomaaliyeed ay ku lahaayeen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa nabadsugida Soomaaliya ayaa xalay mudo socday lu dhexmaray Degmada Doolow ee Gedo kaas markii dambe xeradii Mabadsugida la wareegeen Ciidamada Itoobiya waxayna afduubteen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan nabad sugida

Odayaasha dhaqanka ee Degmada Doolow ayaa tan iyo saaka ku hawlanaa sidii ay Ciidamada Itoobiya u siidayn lahaayeen Ciidamada Nabad sugida ee ay Doolow ka afduubteen, waxaana ugu dambayntii xoriyadoodii helay Saraakiil uu kamida yahay taliye Salmaan Gaarac (shiiqaaoow) oo ahaa taliyaha NISA dolow kaasoo xalay isaga iyo xubno ka tirsan Nabadsugida ay itoobiyo ku weerartay xarunta NISA

Dowlada Soomaaliya ilaa iyo hada kama hadlin dhibaatadii Itoobiya xalay u gaysatay Ciidamada Nabadsugida iyo Shacabka Doolow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.