
Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha Wadatashiga Qaran ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay adkaynta midnimada iyo wadajirka, isagoo ku booriyay in laga fogaado wax kasta oo dadka kala geynaya
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah hadaf Qaran, islamarkaana mucaarad iyo muxaafidna aysan dooneynin in dib loogu laabto doorasho dadban oo caqabado badan laga dhaxlay, isagoo xusay in madaxda su’aalaha ka qaba doorashada qof iyo cod ah lagu qancin doono wadahadal, si loo gaaro guul dhaxal-gal ah.
Leave a Reply