
Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa xaqiijiyay in ciidamada Burundi ka baxeen saldhigga Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe..
Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la soo wariyay in ay ku qasbeen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi iyo xoogag deegaanka ah inay isaga baxaan xeryahoodii ku yaallay deegaanka istaraatiijiga ah ee Xawaadley, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, una jira qiyaastii 50km magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in kooxda shabaab ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay si ula kac ah u furaysay biyaha wabiga ee Balcad si ay ugu fatahiyaan deegaanka, isla markaana uga saaraan ciidanka iyo dadka deegaanka ee halkaas ku sugnaa.
War-saxaafadeed kasoo baxay AUSSOM ayaa lagu sheegay in Ciidanka la geeyay goob ammaan ah oo u dhow deegaanka Xawaadley.
Leave a Reply