Farmaajo oo War Kasoo Saaray Gogosha uu Ku Baaqay Madaxwayne Xasan

Farmaajo

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay gogosha uu ku baaqay Madaxwayne Xasan Sheekh

Waxaan soo dhaweynayaa muddaynta gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in wadatashi Qaran laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan doorashada, amniga iyo Dastuurka.

Si gogoshan ay miro dhal u noqoto, waxaan adkaynayaa baaqyada ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb-galaan Madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa Madashii Wadatashiga Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga sugayaa in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo caqabad ku noqonaya dowlad-dhiska iyo wadashaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Dhammaad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.