
Dhawaan waxaan dhegaysanay khudbad uu jeediyey Saciid Dani erayo ku jiray oo ahaa ( annaga iyo Soomaaliland waxaan nahay deris cid noo dhaxaynaysana ma leh ereygaas oo dadka qaarba si u qaatay.
Hadaba warar la helaayo oo arintaas ku saabsan baa sheegaya in shir sadexgeesood ah oo Imaaraadka ka dhacay oo u dhexeeyey Dawlada Imaaraadka,Somaliland iyo puntland oo ay ka qaybgaleen wakiilo ka socday Saciid Dani iyo Ciro go’aan ka soo baxay uu hadalka Saciid Dani Daba Socday.
Waxaan ognahay in dhinacyo badan ku Hawlan yihiin in aan Soomaaliya degin oo cagaha ku istaagin, sidaas darteed waxaa loo arkay in ka go’ida SSC Khaatumo Soomaliland ay soo dhaweynayso midnimada Soomaaliya, waana tahay oo annaguba waan ognahay in ay tahay Buundo isku xirta dalweynaha Soomaaliya, sidaas darteed waxaa shirka Dubai ee Imaaraadka ka soo baxay go’aan ah sadex nooc Khaatumo loola diriro.
1- Dhanka siyaasada in siyaasiyiinta iyo odaydhaqeedka la kala fur furo .
2-In dhaqaale loo adeegsado oo la kala dilo qaymo kasta ha ku kacdee.
3-In militeri ahaan loola diriro, dagaal ka xoog badan midkii Khaatumo ku guuleysatay.
Isku soo wadaduub shacbiga Soomaliland iyo Puntland ama Soomaaliweyn dhammaantood qorshahaan waa ku halis, gaalo Imaaraadka adeegsanaya baa ka dambaysa, ujeedaduna waa in aan dadka soomaaliyeed dawlad danahooda ilaalin karta oo ay ku naaloodaan helaan, bal isweydiiya danta ugu jirta gaalo iyo Imaaraadka in ay malaayiin doolar ku bixiyaan islaynta qabaa’ilka Soomaalida, jawaabtu waa maya ujeedaduna waa yaan soomaalidu midoobin oo ayagu hays baabi’iyeen.
Maxay adiga kula tahay.
W/Q Dhiblaawe.
Leave a Reply