
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa sedaxaad oo lagu sii amba qaaday dood la xiriirtay soo jeedinta Xildhibaano ka tirsan Golaha taasoo lu saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarada Xildhibaanadda.
Xildhibaan Black ayaa mar uu hadlaayey waxuu yiri “Xildhibaan Federaal ah ayaa loo dhaariyey in uu noqdo Xildhibaan Koonfur-Galbeed ah, xaggee joognaa ilaahay baan idinku dhaariyey”.
Hadalkaas ayaa ka si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) isagoo sheegay xidhibaan kasta waxaa loo magacaabi karaa wasiir, jeneraal ama gudoomiye Maamul Goboleed wax ku jabana majirto
Leave a Reply