Sawiro:Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Danjiraha Dowladda Ingriiska ayaa Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyaysay geerida taliyihii Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Marxmuum Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) iyo Nabadoon Cilmi Xagar Guure, oo ku shahiiday dagaalka la gula jiro Kooxda aragagaxisa Al Shabaab, iyadoo soo hadal qaaday taageerada golaha Shacabka BJFS, Amb.

Kate Foster ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ay taageereyso dadka ku wax yeeloobay abaaraha ka jira qaar ka mida ah gobolada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay taageerada Dowladda Ingriiska ay lagarab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed Isla markaana ay sii laba jibaaraan dadaalada lagu horumarinaayo amniga, dhaqaalaha, iyo taageerada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.