Xarunta Ciidanka Haramacad oo loogu magac darayo Allaha Unaxariistee General Farxaan

Boliis

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar) oo ka hadlay aaska Generaal Faxraan Maxamuud Aadan (Qaroole) Ayaa yiri “ Waxuu ahaa aniga Saxiibkay, Shaqsi si aad ah iigu dhow ayuu ahaa, Geesi ayuu ahaa, Shumac soo ifaya ayuu u ahaa dhallinyaradda asaagiisa ah”.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Waxaana marne niyadayda ka go’ayn  markii toban iyo todoba kun oo arday Soomaaliyeed ah oo uu soo dhammaaday Imtixaanka  shahaadiga ah, Siduu u sugay amnigooda iyo siday ugu faraxsanayeen maalintaa oo ay u xambarayeen” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Ayaa yiri “Qofkasta oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyad darajo kasto iyo fadhi kasto oo uu ka tisan yahay, Waa inuu noqda Faxaan oo kale”.

Taliyaha ayaa sheegay in Maanta laga bilaabo Xarunta Ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad loogu magac daray Generaal Farxaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.