Sawiro:Wasiir Fiqi daahfuray Tababar ku saabsan Xiriirka iyo Warbaahinta

fiqi

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-uheshiisiinta XFS mud. Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta daahfuray Tababar ku saabsan Xiriirka iyo Warbaahinta, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah shaqaalaha Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda oo ka hadlay munaasabadda daahfurka tababarka ayaa sheegay in howlwadeenada kala duwan ee ka qayb galaya ay dhuuxaan waxyaabaha ay ku baran doonaan casharada kala duwan ay bixin doonan khabiirada Saxaafadda isaga ballanqaaday inuu sii wadi doono tababarka waaxyada kale.

Dhanka kale agaasimaha xiriirka iyo warbaahinta ee wasaaradda ayaa sheegay in muhiim tahay in garaadka iyo aqoonta shaqaalaha waaxyaha la dhiso kulana dardaarmay in ay ka faaiidaystaan khabiirada Saxaafadeed ee Tababarkaan bixinaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.