Akhriso:Maamul Goboleedyada oo Joojiyay Wadashaqeyntii Dowladda Dhexe

maamul

Wasiiradaha  Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ayaa shaaciyay inay gebi ahaanba joojiyeen wada shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, kaddib markii ay si bareer u baal martay dhammaan heshiiyadii horay u dhex maray.

Kulan foggaan arag ah oo ay yeesheen Shanta wasiir Dowlad goboleed ayaa waxay ku sheegeen in aanay wax wada shaqeyn jiri doonin inta Wasaaradda Maaliyadda DFS ku soo laabaneyso xeyndaabka sharci iyo fulinta heshiisyadii ay horay galeen

“Wasiiraddaha Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto 2022 kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyagoo kulankooda diiradda ku saareen wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay wasaradaha.

Wasiiradaha ayaa ku eedeyay in Wasaaradda maaliyadda Dowladda dhexe ay ka baxday hesiisyo dhowr ah, waxaana ay sheegeen in gabi ahaanba ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen.

“Wasiiraddu iyagoo tixraacaya heshiisyadii wada shaqeynayd ee u dhaxeeyey Wasaraaddda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda ee Dawladda Xubnha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee kala ahaa:

  1. Heshiiskii Addis-Ababa ee September 2019
  2. Heshiiskii Kismaanyo ee November 2019
  3. Heshiiskii Kampala ee December 2019
  4. Heshiiskii Nairobi ee January 2020.
  5. Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Heshiisyadaas oo dhammaan lagu gaaray wada tashi iyo wadar ogol.

Haddaba, markay caddaatay in Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah u baalmartay, una jabisay heshiisyada sare ku xusan, waxaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto, 2022 Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Konfur-galbeed iyo Hirshabeele joojiyeen dhammaan wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inta ay Wasaaraddu ku soo laabanayso xayndaabka sharci iyo fulinta heshiisyada kor ku xusan ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradaha..

Warqadda ayaa waxaa kus axiixan wasiirada kala ah:

  1. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda Puntland
  1. Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug
  1. Xussen Xirsi Axmed Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubaland
  1. Axmed Maxamed Xussen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur-Galbeed
  1. Cali Cabdalle Nuur Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeele

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.