Daawo:Khudbadii Madaxwayne Xasan Sheekh ka Jeediyey Xarunta Boliiska Soomaliyeed

Xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdan cusub ee uu hoggaamiyo ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalkeenna, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.