Madaxwaynaha Koonfurgalbeed oo ka Tacsiyeeyey Geerida Wasiir Abba Awow

lafatagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, marxuum Abba awow Xaaji Suufi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii muuqday ee Marxuumka naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed isaga oo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed xilliyo kala duwan isagoo hada ahaa Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DGKGS wuxuu kale uu ka mid ahaa Xildhibaanadii 1aad ee Baarlamaanka KGS.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Abba awow Xaaji Suufi oo ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DGKGS.Madaxweyne Cabdicasiis ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.