Guddiga xallinta khilaafaadka oo doortay gudoomiye cusub

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta khamiis ah muqdisho ku doortay gudoomiye cusub.

Maxamed Cawil Warsame ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, kadib markii uu u tanasulay Mustaf Macalin Cali oo ahaa musharrixii la tartamayay.

Maxamed Cawil Warsame oo kamid ahaa todobadii xubnood ee uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble beddelay ayay hab gacan taag ah ugu codeeyeen xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka inuu noqdo guddoomiyaha guddiga.

21- ka xubnood ee guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada dadban, xubno ka socda guddiga doorashada heer Federaal, FEIT, kuwa heer maamul goballeed ee SEIT ayaa goob joog ka ahaa hoolka teendhada Afisyoone oo ah halka ay doorashadu ka dhacaysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.