Doorashada 5 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa lagu qabtay Baydhabo

koonfur

Doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xubnaha kuraasta Golaha Shacabka ee maanta ku guuleystay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa horey kuraasta beelahooda ku matalayay oo dib markale loo doortay iyo qaar kale oo cusub oo ku soo baxay doorashada maanta.

Xubnaha Maanta loo doortay barlamaanka Soomaaliya ayaa kala ah.

  1. Xasa Cabdinuur ayaa ku guuleystay kursiga koowaad ee tartankii maanta Hope#184, kaasi oo horey uga tirsanaa Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya.
  2. Shariif Maxamed Cabdullaahi ayaa isna ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hope#85, kaas oo markale dib loogu doortay Xilka Xildhibaannimada.
  3. Maxamed Wardheere Cabdi ayaa ku soo baxay kursiga sumadiisa yahay Hope#46,
  4. Maxamed Aadan Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa yahay Hope#156 iyo
  5. Maxamed Mursal Maxamuud ayaa isna ku soo baxay kursiga sumadiisu yahay Hope#176

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.