Madaxweynaha Dowladda Hirshabe Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Magaalada Muqdisho ku qaabilay Raisul Wasaarihii hore ee Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.
Kulankaan ay muqdisho ku yeesheen labada masuul ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan dardargalinta arrimaha doorashooyinka.
Madaxda Maaamul goboleedyada ee ku sugan Muqdisho ayaa wada Kulamo ay la yeelanayaan Masuuliyiinta kala duwan iyo qaybaha bulshada.
Leave a Reply