Midowga Musharaxiinta oo Labo Garab u kala Jabay iyo Xasan Sheekh oo ka hadlay

xasanshiiq

Midowga Musharaxiinta ayaa ku kala qeybsamay shir lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble, loogana soo horjeedo waxay ku sheegeen isku day afgambiga ee lagu doonayay in Xafiiskiisa Ra’iisalwasaare Rooble lagula wareego 27 bishan.

Munaasabad ka socoto Hotelka Afrik ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif, Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Dhanka Kale Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka hadlaayay Munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka la faafiyey ee sheegayey inay Midowga Musharaxiinta kala qeybsameen oo ay kala tageen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.