Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 Q. 6aad

calan

9/1/1920 ayaa ciidankii koowaad ee ingiriiska oo lug iyo diyaaradba leh wuxuu tagay dhurcilaan oo laga sameeyay saldhig weyn iyo gagid banaan oo dayuuraduhu kaduulaan, maraakiibtii iyo ciidankii ay sideena  waxey u amba baxeen laas qoray siay gaadiidka halkaa loogu diyaarshay uga rartaan, ciidankii burco fadhiyayna wuxuu u amba baxay kiridh oo dhanka nugaal daraawiish saldhig weyn kulaheyd, dhamaan ciidamadaas waxaa lagula balamay iney 20/1/1920 weerar diyaar u ahaadaan, duulaankaasna daraawiish waxba kalama socoto, maxaa yeelay safaradii oo dhan iyo isu socdkii reer miyiga ayaa horey loo joojiyay. 

21, 22, 23/1/1920 ayaa dayuuradihii ingiriisku weerareen jiidali, iyo midhashi bambooyinkii cuslaa ay ladhacayeen waxaa kadiday xoolihii iyo fardihii. Taliyihii hagayay dagaalkaas isagoo kahadlaya dhabar adeega darawiish wuxuu yiri dagaalkii xaruuntii baran ee daraawiish lagu qaaday wuxuu muujiyay geesinimada iyo ad adeega daraawiish leedahay. 

Sayidka iyo boqolaal daraawiishta ah oo goor subax ah fadhiya meel xagi ah oo daar laga dhisayay oo toga madhashi dantiisa koonfureed ah ayay bamkii ugu horeeyay kutuurtay, nin lataliye u ahaa sayidka oo dowlada turkigu xaruunta usoo dirtay, markaasna sayidka lafadhiyay ayaa sheegay oo gartay wuxuuna yiri yaa sayidii dayuurad weeye meesha inaga kici, dayuurada wareegeedii labaad ayaa koox daraawiish ahi rasaas kurideen waxaana lasheegay in dayuurada xabad lalahelay dabadeedna ay ceel dheer kudhacday,  

Sayidka iyo dadkii agjoogay waxey kucarareen daartii ladhisayay, bulaankii iyo qaraxyadii markey bateen sayidka iyo raggii gaarka ahaa waxey galeen godka xeela waa meel irid kaliya leh, dusha sarana kadaboolan oo lagu xarbiyi karo, hase ahaatee welwel iyo cabsi baa eebe kuriday, nin waliba harkiisii buu kadiday, wax lama filaan ah baa qabsaday, habeenkaas xaruuntii waxaa katagey rag badan oo madaxdii daraawiishta kamid ahaa waxaana laga tilmaami karaa ismaaciil mire, xirsi cartan, ducaale ileeye, iyo rag kale oo dhamaantood ahaa cali geri. 

Habeenkii bishu 24/1/1920 ahayd ayaa waxaa lasoo sheegay in ciidankii lugta ahaa ee gaaladu uu kaabiga usoojiro oo beri soo weerarayo , naf kudirir mooyee dagaal kale la awoodin, meeshuna fadhi laheyn, maxaa yeelay waxey joogaan meel buuro ah oo waxaa laga yaabaa in lahareereeyo oo meeley kabaxaan waayaan, sidaa daraadeed waxaa lagu taliyay in meesha laga baxo oo nugaal iyo dalkii layaqiinay loo qaxo, deeto habeenkii baa sayidkii iyo waxa raaci karaayay kabaxeen oo taleex ukaceen, iyagoo kadaba tagayo ismaaciil mire iyo raggiisii racay. 

Maalintey bishu ahayd 26/1/1920-kii ayaa ciidankii ingiriisku oo tiradiisa lagu sheegay todobo boqol oo askari daartii jiidali oo madhashi gaar ka ahayd soogaaray, dhulku waa cidlo, shaley iyo habeen horaa laga baxay,  waxaa lasheegaa dadkii maatada ee habqanka ahaa ee kacararayay dagaalkaa in gaaladii iyo soomaalidii raacsaneyd ay kula dhaqaaqeen dhac, kufsi, iyo dil foolxun. 

2/2/1920 ayaa sayidku soo gaaray qalcadii taleex, 4/2/1920 ayay diyaaradihii cadowgu bam ladhaceen taleex, bambooyinkaas oo kiimiko ubadnaa, xanuuno badana sababi doono, aad beyna umintideen daraawiishtii qalcada kujirtay, maalintii shanaad subaxnimadeedii ayaa ciidankii ingiriiska isugu yimid dooxada qowlo oo qiyaastii toban meyl ujirta taleex, kana xigta dhinaca koonfur galbeed, xataa barasaabkii xukumayay dhulka soomaalida oo la oran jiray seer joofari ensh ayaa halkaas yimid, ingiriisku male mooyee kama warqabin in sayidku qalcada taleex kujiray iyo inkale, cabsi iyo shaki weyn baana laga qabey hase ahaatee habeenkii lixaad ee maalinimadii shanta siibaxeysay ayaa waxaa xaruunta kafakaday sayidka wiilkiisa cabdiraxmaan sayid maxamed iyo shiikh yuusuf cismaan xasan { yuusuf xeyle } oo sayidka adeer iyo sodog labadaba uahaa, waxeyna ugaleen cadowgii oo qowlo fadhiyay, kuwaasaana cadeeyay in sayidka qalcada silsilad ee taleex kujiro, ciidan xoog lehna heysto, hase ahatee ay niyad jabeen, raashin sanado kufilana iney daaraha uyaalaan qalcada dhaxdeedanawey sheegeen. 

Subaxadaasi daraawiish wey tashatey oo waxey tiri mahalkaan baanu kudagaalanaa, mise weynu kabaxnaa oo waxeynu qabanaa koonfur iyo dhulkeenii kale ee daraawiish fadhiday, taladii waxey kudhamaatay in lagabaxo oo lookaco daraawiish koonfur ee khaliif sheikh cabdulle iyo cago dhiig ay madaxda u ahaayeen, deeto kowdii duhurnimo ayaa ingiriiska ciidankiisii kusoo kiciyay iyadoo taladu ay tahay in qalcada taleex gabigeedaba lahareereey, dhulkana lalasimo, dagaal cir iyo dhul ahna lagu qaado oo xiriir ah, laakiin qalcadii taleex wax waa kaqaadi waayeen bambooyinkii badnaa ee ay tuurayeen diyaaraduhu,  

Waqti afartii galabnimo ayaa sayidkii iyo wuxuu watey taleex kabexeen, dadkii oodhana wey raaceen, gaaladiina markey kawar heleen in sayidku kabaxey taleex ayay kadaba duuleen, dadkii habqanka ahaa ee ay gaaladii iyo soomalidii lasocotay soogaareen dil foolxun bey kula dhaqaaqeen, iyo imbadan oo laqafaashay kuwaasoo marka dambe qaarna lalaayay qaar kalana wadamo kale maraakiib loosaaray oo ilaa haatan kumaqan meeshii looqaaday. 

 Darwiish layiraahdo maxamuud xoosh cigaal oo uu aw-jaamac cumar ciise lakulmay wuxuu kuyiri sayidka galabtaa wuxuu kujoogay faras layiraahdo dhibic oo loogu talagalay inuu cadowga kalabax sado, xoog iyo dheereynba waa loo xushay faraskaas, waxaana labarbar waday faras kale oo layiraahdo fooqeeye oo isagana loogu talagalay haddii kaasi heyn waayo ama dakaamo in lagu nasiyo, waxaana sayidka lasocday abshir dhoore, cismaan boos, iyo laba gabdhood oo walaaladii ah oo lakala oran jiray raaxo iyo jamaad. 

Fiid dambe ayaa laga warhelay in sayidkii qalcadiitaleex kabaxay, siweyn buuna ingiriisku uga qoomameeyay, 700 oo faras iyo rukuub ah ayaa raacdo gashey oo kadaba duuley, colkii ingiriiska intiisii kale waxaa lagu jaaday qabsashada taleex. 

7/2/1920 ayaa cadowgii ingiriisku taleex gacanta ugashay, waxaa laweriyay dadkii qaxa ahaa ee sayidka kala baxey taleex socodkoodii waa lakala duwey oo dhowr wado oo kala duwan hase ahaatee isdhinac socota ayaa lamariyay, sidaasna waxaa looyeelay cadowga gaalada iyo soomaalida isugu jira ee daba socda daraawiish in garan waayo meeshuu sayidku marey oo uu kuwareero. 

Sayidka iyo kooxdii lasocotey waxey galeen buuraha boocame iyo biratable, abshir dhoore oo maalintaa kujoogay faras la oranjiray shaluu marey oo hadba gees uhiifeenaya si uu dadka habqanka ah oo diyaaraduhu wareeriyeen isugusoo uruuriyo wixii ladilay iyo wixii gaalku qabsaday maahane hawl weyn buu qabtay. 

Colweynihii gaalada iyo intii lasocotey ee soomaalida ahayd wuxuu raadkii iyo budulkii daba socdaba duhurkii ayuu habqankii daraawiish kugaaray dooxada waaw iyadoo halkaas ay marayaan kumanaan qoys oo soomaaliyeed oo habqankii daraawiishtii qaxeysay kamid ahaa. 

Meesha lagu magacaabo WAAW waxey garoowe kaxigtaa dhinaca waqooyi galbeed, deeto dagaal aad uqaraar ayaa galabtaas meeshaa kadhacay, aad beyna ujihaadeen dadkii habqanka daraawiish kamid ahaa ee dagaalku meeshaa kuqabsaday, dadkii galabtaas meeshaa lagu laayay waxaa kamid ahaa todobo wiil uu sayidku aabo uahaaobsiiye seed oo sayidka abtigiis ahaa, xaaji suudi shabeeleibraahim buqul, safiirkii xabashida taleex ujoogay isagana halkaa baa lagu dilay, iyo rag badan oo qusuustii daraawiishta kamid ahaa, wax laqabtay iyo wax la laayay ayaa laga dhigey habqankii daraawiish, wixii maxaabiis ahaan looqabtay waxaa lageeyay geedka weyn ee badweyn oo saldhig uahayd gaalada, halkaasaa qaarna lagu laayay, qaarna berbera loogudbiyay, qaarna lasiidaayay, waxaa lasheegaa in umad badan oo soomaaliyeed oo habqankii daraawiish ee laqabtay kamid ahaa uu ingiriisku intuu maraakiib kuqaaday wadamo kale geeyay oo ayan dib usoo noqon. 

Joornaaladii kasoo baxayey London waqtigaa ayaa aad kufaantamay guushaa ingiriisku kagaaray xasuuqaa. 

Hilaada rag kun lagu qiyaasay oo firxad iyo dhaawac ubadan iyo xaasas raggoodii kudagaalamay oo aan wax xoolo ah lagu ogeyn ayaa isugu tagey jeexa buuxiso, nugaali waa haawaneysaa, dagaal waa laga hawa dhigey, duunyana lamahayo, daraawiish waa dulugle, aduun masaasbuu kudambeeyay, sayidkii muxuu muxuu kutalin doonaa, arin maxey kudambeyn doontaa, alow jid bixi ayuu xaalku joogaa. 

12/2/1920 sayidku wuxuu diray laba Nin wuxuuna yiri 

Lasoco qeybta 7baad hadduu allaah idmo.     

Diyaariye: cabdicasiis khaliif bare.       

Email address: abuhamaam@hotmail.com    

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.