Dhageyso:Ganacsade Soomaali ah oo Kenya lagu Afduubtay

kenya

Waxaa socda baadigoobka ganacsade Soomaali ah oo muddo tobbaad ah lagu la’a yahay Kneya kadib markii ay goob ganacsi ka afduubeen dad aan heybtooda la aqoonsan. Warbaahinta waaweyn ee dalka Kenya ayaa si weyn u hadal haya qaabkii loo qafaashay ganacsadaha.

23-kii bishan December ayaa Maxamed Xasan laga kaxeystay meherad ganacsi oo uu ku leeyahay magaalada Machakos oo aan ka fogeyn Nairobi, ilaa haddana lama oga halka uu ku maqan yahay.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa cidda “afduubatay” ninkan oo qoyskiisa ay ka walaacsan yihiin, iyaga oo dowladdana ka dalbaday inay arrintiisa meel ku caddeyso.

Maxaa ka jira in ay dowladda afduubatay?

Si rasmi ah looma shaacinin cidda ay yihiin qolyaha ka dambeeya falkan, hase yeeshee waxaa jira tuhun weyn oo laga qabo in ay yihiin dad xiriir la leh dowladda, sida ay baahiyiin warbaahinta Kenya.

Ganacsadaha maqan, Maxamed Xasan
Qoraalka sawirka,Ganacsadaha maqan, Maxamed Xasan

Shakhsiyaadka kaxeystay ninkan ayaa la sheegay inay isku tilmaameen askarta dowladda u qaabilsan hirgelinta shuruucda xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Cumar Xasan Maxamed oo la dhashay ganacsadaha la la’yahay mudada toddobaadka ah ayaa sheegay in dadkii meheradda ganacsiga ugu tagay Maxamed ay wateen gaari nooca loo yaqaanno qooqan, ayna ka kaxeysteen halkaas iyagoo aan sharraxaad kale bixinin.

“Dadkii aan meesha ugu tagnay waxay noo sheegeen in laga billaabo sagaalkii saac ee galabnimo inuu yimid gaari qooqan ah, oo halkaas taagnaa qiyaastii 10 daqiiqo, kaddib ay 4 qof kasoo dageen gaarigii. Mid ka mid ah waxa uu ahaa darawalka, mid gaaban iyo labo nin oo xoog badan,” ayuu yiri.

Bishii May ee sanadkan ayay ahayd markii ganacsade Soomaali ah oo heystay dhalashada Mareykanka lagu waayay gudaha Kenya, isagoo aan markaas la garaneynin cidda afduubatay.

Ganacasade Bashiir Maxamed
Qoraalka sawirka,Ganacasade Bashiir Maxamed

23-kii isla bishaas ayaa meydka Bashiir Maxamed laga helay isbitaal ku yaalla magaalada Kerugoya, isagoo ay dhaawacyo jirdil ah ka muuqdeen.

Meydka ayaa la sheegay in markii hore laga soo saaray wabi ku yaalla aaggaas oo la aaminsan yahay inay ku tuureen dadkii afduubka u geystay ee markii dambe na dilay. Ilaa hadda ma jirco cid loo soo xiray falkaas.

Xigasho BBCsomali

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.