Jeneraal Odawaa oo uga digay ciidamadda qalabka sida inay ku milmaan arrimaha siyaasadda

odawaa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Ragge oo la hadlay saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa ugu digay inaysan ku milmin xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira islamarkaana ay ku dadaalan inay gutaan waajibkii loo igmaday.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wax kuma qaban karo in kooxo gaar ah ay la saftaan, aragtiyo gaar inay racaanna waxba kuma qaban karaan ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa ay wax ku qaban karaan isku duubni, isku xirnaan iyo iska warqab” ayuu yiri Gen Odawaa Yuusuf Raage.

Taliya ayaa tilmaamay in haddiii ciidamaddu ay ka leexdan kaalintooda ay u dhaarteen oo la kala dhantaalo awoodda iyo arragtida mideysan ee ciidanka Xoogga dalka inay ku guuldareysan doonan waajibkii loo igmaday iyo mas’uuliyadda ay lahaayeen.

Gen Odawaa Yuusuf Raage, ayaa ku amray dhammaan ciidanka xoogga meel walba oo ay joogan inay galaan heegan buuxa oo dhameystiran oo lagu sugnaanayo goobaha shaqadda iyo xerooyinka ciidanka sido kalena in laga fogaado tallaabiiyinka hoos u dhigaya kalsoonidda shacabku ku qabo ciidanka qalabka sida iyo wax walba oo keeni kara inay kala qeybiyaan aragtida iyo awoodda CXDS.

Ugu dambeyn Taliya ciidanka xoogga dalka ayaa si gaar ah ula dardarmay saraakiisha ciidamadda, waxaana uu u sheegay inay illaaliyaan wadajir kaumadda, mas’uuliyaddii ay u dhaarteen, kalsoonida bulshadda iyo qiimaha ciidanimo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.