Daawo:Maamulka Banaadir oo bur buriyay dhismooyin sharci darro

cumar

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa howlgal lagu burburinayay dhismooyinka sharci darada ah ee laga dhisay hareeraha waddooyinka ka fulisay caawa Degmada Kaaran, iyadoo howlgalkaasi uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Bur-burintaan ayaa laga fuliyay inta u dhaxeysa Isgoyska jiirada illaa Xaawa Casir, iyadoo uu noqon doono mid sii socda si loo fuliyo amarka Duqa magaalada Muqdisho ee ku aadan in aan marnaba la aqbali doonin goobaha sida sharci darrada loo dhistay hareeraha waddooyinka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Salax Xasan cumar oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay qeyb ka tahay bilic soo celinta Caasimadda, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’antahay joogteynta bur burinta dhismayaasha sharci darrada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.