Sawro:Fariisimo Alshabaab Ku Lahaayeen SH/ Hoose oo la burburiyey

dagaal

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka  shabeellaha hoose, halkaasi oo ay ku bur buriyeen fariimo maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen.

Deegaanada ay ciidamada howlgallada ka fuliyeen waxaa ka mid ah Gambaarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale, ciidamada xoogga dalka ayaa baacsaday maleeshiyo ka tirsanaa argagixisada oo Bulshada halkaas ku nool dhibaato ba’an ku hayay.

Bulshada ku nool deegannada howlgalka laga sameeyay ayaa aad u soo dhaweeyay ciidamada dowladda, iyagoo dareemay naxariista dowladnimada kaddib markii saraakiisha ciidamada hogaamineysay ay xog wareysi la yeesheen bulshada deeganadaas ku dhaqan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.