Sawiro:Rooble oo la kulmay Odayaasha dhaqanka ee Gobollada Waqooyi

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Waqooyi ee laf dhabarka u ah soo xulista ergooyinka dooranaya Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay in ay si hufan oo isu dheellitiran u soo xulaan ergooyinka dooranaya Xildhibaannada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda balan qaaday inay si hufan u gudan doonaan waajibaadka ka saaran soo Xulista ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.