Akhriso:NISA oo Muqdisho ku dishay 12 Saraakaal oo Ka Tirsan Al-Shabaab

Nissa

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaaciyay in howlgal qorsheysan oo habeenimadii xalay ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku dileen 12 Sarkaal oo ka tirsan argagixisada Al-shabaab.

Qoraal kooban oo hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in 12 xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ay xalay Muqdisho ku dileen ciidamada ammaanka.

“Howlgal gaar ah ayaa xalay lagu beegsaday 15 sargaal oo  Maafiyada Alshabaab u qaabilsanaa  khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran  ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.