Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in Dalku galay xaalad bini’aadanmino

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah oo ka dhalatay abaaraha dalka ku sii baahaya, ka dib marki uu guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu ka yeesheen xaaladda abaaraha.

Maanta oo ay Taariikhdutahay 23 November 2021 kadib markaan dhageestay warbixintii ay soo diyaariyeen gudigii aan umagacaabay xaaladda abaaraha dalka taas ok muujisay in uu dalku kusuganyahay xaalad adag oo ay keenen abaaruhu sidaas darteed waxaan Ku dhawaaqayaa in uu dalku galay xaalad Deg deg ah oo bini’aadanmino loona baahanyahay gurmad deg deg ah gudaha iyo dibadaba”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa dadka Soomaaliyeed, ganacsatada, Qurba joogta iyo qeebaha kala duwan ee bulshada ugu baaqday in ay siiwada Jira gacan uga geestaan xaaladan adag we abaaraha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.