Galmudug oo Guriceel ka bilowday Qorshe Gole deegaan loogu Dhisaayo

Galmudug

Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ahna kusimaha Wasiirka mudane Axmed Xasan Cali Axmed Dheere ayaa maanta gaarey Degmada Guriceel oo dhawaan loo dhameystiray hannaanka degmanimo degmooyinka cusub, isla markaana uu wareegto ku sharciyeeyay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor.

Safarka Wasiirka ayaa la xiriiray in la bilaabo mashaariic cusub oo hore kaga shaqaynayay degmooyin kale oo Galmudug ka mid ah, gaar ahaan mashruuca Daryeel ee wax isku darsiga Bulshada, kaasi oo deeqaha caalamka lagu kaabo dhaqaale ka yimaad bulshada, waxaana ugu horeyn bogaadiyey daahfurka barnaamijka daryeel qaar ka mid ah bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Guriceel Anas Cabdi Macalin ayaa Wasaaradda Arrimaha gudaha ugu baaqay in ay si dhaqsi leh u bilaawdo diyaarinta dhismaha gollaha deegaanka Guriceel oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin ka maamul ahaan.

Ugu dambeyn Wasiir dowlaha Arrimaha gudaha Galmudug mudane Axmed Xasan Cali Axmed Dheere ayaa si rasmi ah u furay mashruucan, isagoo u balan qaaday reer Guriceel in Wasaaraddu ka shaqeyn doonto dhismaha Gollaha deegaanka degmadaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.