Wararkii Ugu dambeeyey Guriceel iyo Goobaha Laysku horfadhiyo

shiiqshaakir

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacaya Xabado Goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Galmudug iyo Ciidamo Daacad u ah Sheekh Shaakir.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ayaa dhacay gelinkii dambe ee shalay, kadib markii Ciidanka Ahlusunna oo laga qabsaday Xarunta degmada Guriceel iyo Saldhiga Boliiska, Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaaladii dhacay, waxaana la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen in ka badan 25 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan, Askar iyo dad shacab ah oo rasaas haleeshay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.