Dhaawacii Ciidamada Sheekh Shaakir oo La geeyey Cadaado, Caabudwaaq iyo Gaalkacyo

shaakir

Wararka ka imaanaya Magaalada guriceel ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya dagaalkii saaka mar kale dib uga bilowday Guriceel ee udhaxeeyey Ciidamada Sheekh shaakir iyo kuwa dowlada oo kaa shanaya ciidamada Galmudug inuu soo Gabagaboobay kadib markii Ahsuna lagala wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel.

Dagaalka ayaa sabab Qasaaro dhimasho iyo dhaawac farabadan oo soo gaaray labada dhinac ee ku dagaalamayey Guriceel, Dhaawacii Ciidamada Ahlusuna garabka Sheekh Shaakir ayaa qaarna waxaa qabtay Ciidamada Dowlada qaar kalena waxaa loo qaaday dhaawacoodii Magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq iyo koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.

warar aanan la xajiin ayaa sheegay dhawacii la geeyey Gaalkacyo oo u badnaa saraakiisha hogaaminaysay Ciidamada ahlusuna in Gacanta loo galiyey Ciidamada Amniga ee Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.