Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay Doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyey sida Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ay u soo saareen jadwalka arrimaha Doorashada iyo soo gudbinta liiska magacyada u tartamaya Doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in Doorashada ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan.

“Waxaan Madaxweyne Laftagareen iyo guddiga doorashada Koofur Galbeed ku bogaadinayaa soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda, anigoo u rajeynaya in doorashadu ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.