Daawo:Wasiir Arimaha Dibada oo Safar arimaha doorashada Ku Tagay Gaalkacyo

wasiir

Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu horkacayo ay shalay soo gaareen magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Biljam iyo midowga Yurub iyo maareeyaha garoonka diyaaradaha Aadan cadde.

Wasiirka arrimaha Dibadda Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa Gaalkacyo waxa uu kulamo la qaatay Isimada Gobalka Mudug iyo Puntland, isagoona kala hadlay xaaladaha dalka iyo doorka ay Isimadu ku leeyihiin arrimaha doorashooyinka dalka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen Gaalkacyo, kormeer ku tagay garoonka kubadda cagta ee Maxamed Cawaale halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen guddiga dhismaha garoonka, iyagoona warbixin ka siiyay halka uu marayo dhismaha garoonka oo gaba gabo maraya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.