Madaxweynaha Soomaaliya oo u Hanbalyeeyay  Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Farmaajo

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio guterres, oo markii labaad dib loogu doortay inuu noqdo xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladda Soomaliya soo dhowaynayso in markale  Antonio guterres uu noqdo xoghayaha guud ee qaramada midoobay, sidoo kalana ay dawladdu si hagar la’aan ah u taageeri doonto.

Antonio guterres,  ayaa xilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay kala wareegay Ban Ki-moon bishii January  ee sanadkii 2017.

Antonio guterres oo 72-sano jir ah ayaa noqonayo xoghayahii Sagalaad ee Qaramada Midoobay ay yeelato tan iyo markii la unkay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.