Wasiir kuxigeenka Warfaafinta oo Si kulul ugu Jawaabay Mahad Salaad

Mahadsalaad

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda federaalka Soomaaliya, mudane Abdirahman Yusuf Omar (Al Cadaala) ayaa waxuu u jawaabay Xildhibaan Mahad salaad oo Shalay Aflagaado u gaystay Ra’iisalwasaare Rooble.

Wasiir kuxigeenka Warfaainta ayaa Qoraalkaan Hoose waxuu soo dhigay Bartiisa Facebook.

Maanta waxaa laqaaday talaabooyin taariikhi ah oo ay tahay in Dadka Soomaaliyeed uga nafisaan cabsi iyo culays ay muddo dareemayeen.

Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaruhu waxeey jeediyeen labo khudbadood oo ahaa xalka Mushkuladda taagnayd ee laxiriirtay Doorashada iyo Amniga Dalka.Waan ka xumahay in aan arkay xildhibaan aan sxb nahay oo aflagaadaynaya Raysalwasaaraha kuna tilmaamay in maskaxda laga haysto Walaalkeeyoow in aad sidaas uhadasho waa maskax ka haysiga ugu wayn sababtoo ah sadex arrimood midna ma aadan xeerin mana ka xishoon

1- doorashadii iyo amnigii dalka ee aad ka cabanjirtay oo xal loo helay uma danaynin.

2- Raysalwasaaraha oo ka jawaabay wax badan oo aad ka dalbanjirtay ma xusuusan.

3- abtiyoow iyo aflagaadana kalama reebin.Waxaan ku leeyahay inta iska dhigto rarka kale adigoo kaligaa ah oo maskaxda ka xor ah nala hadal walaalkeey.Akhristayaloow raali ahaada caawa oo kale waa muhiim in runta iyo xaqa loo hiiliyo xumahana lasuuliyo, sababtoo ah lama fiirsankaro qof ku ciyaaraya wax uuna qiimahooda garanaynin isla markaana ay kala duwanyihiin afkiisa iyo uurkiisu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.