Sawiro:Bulshada Buulo Barde oo ka cabanaya go’doon ay galiyeen alShabaab

shabab

Kulan ay isugu yimaaden maamulka Dagmada Buulo-burte, odayasha dhaqanka, ururka dhallinyarada, ururka hawenka iyo bulshada qeybahoda kala duwan ayaa looga hadlay xaaladda Degmada oo malmahan dambe ay go’doon xoog leh geliyeen maleeshiyada argagaxisada Al-Shabaab.

Dagmada Buulo-burte ayaa go’doon ah ku dhawaad 8-sano mana jirto gaadiid soo galo ama ka baxo Degmada, waxaana marki hore si dhumaleysi ah lagu soo gelin jiray rashiinka Degmada yimaada.

Odayasha dhaqanka, ururka dhallinyarada, ururka haweenka ayaa dowlada Federaalka, dowlad gobaledka Hirshabeelle iyo hay’adaha caalamka ka codsaday in gar gaar la soo gaaraan dadka ku nool Degmada ee go’doonka ku jira.

Guddomiyaha Degmada Buulo-Burte Feysal Haajir Aadan ayaa dhankiisa sheegay in degmada gudaheda ay amni tahay, balse ay muhiim tahay in la furo waddooyinka soo gala, waxaana uu ka codsaday dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedka Hirshabeelle in ay u furaan waddoyinka degmada, madama cadawga uu culeys soo saaray

Degmada isha kaliya ee u furan ayaa waxay tahay garoonka diyaaraha,  mana jirto cid gargaar la soo gaartay ilaa hadda dadka kunol degmada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.