Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa dhagax dhigay dhismaha Cusub garoonka Ugaas Miraad

Mustafcagjar

Madaxwenaha Dowlaf deegaanka Soomaalida mudane mustafe muxumed Cumar Ayaa Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradaha Ugaas miraad layli ee Magaalada Goday oo ay Kubaxayso lacag dhan 600 oo milyan oo Birr.

Wafti uu hogaaminaayey Madexweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo ay wehelinayaan Maareeyaha Guud Ee Shirkada Garoonada Itoobiya,mudane iskindher Alemu, Wasiir Dawlaha Wasaarada Gaadidka Ee JDFI iyo Masuuliyiin kale oo heer deegaana ayaa Gaaray Magaalada Goday.

Waxaa Guduha Garoonka Diyaaradaha miraad layli ee Magaalada Goday lagu Qabtay Xaflad Balaadhan oo lagu Dhagax Dhigayey Garoonka.

Madaxweyneha DDS,Mudane Mustafe Muxumed cumar ayaana Sheegay in magaalada Goday isbadalkii kadib ay fursad u heshay mashaariico badan oo xukuumada Federaalka iyo deegaanku ay ka hergaliyeen.

Dhankakale Mudane kaasaahun wasiir Dawlaha wasaarada Gaadiidka Ee JDFI ayaa Sheegay in Deegaanka Soomaalida ay ka hirgalinayaan wadooyin ay ku baxayso inkabadan 7 Bilyan oo birr,sidookalena 2ba bil kadib ay bilaabi doonaan Wadada laamiga ah Ee kasoo baxaysa Magaalada Gindhir ee Gobalka Baali Taasi oo soo Galaysa magaalada Goday.

Cuqaasha Gobalka Shabeele ayaa Sheegay in xukuumada ay ku Garab taaganyihiin horumarka baaxada leh ee laga hirgalinayo Gobalka shabeelle.

Ugu Dambayn Masuuliyiintii Fadaraalka ee ka qayb gashay Dhagax dhiga Garoonka ayaa lagu doonsiiyay Hadiyad katurjumaysa dhaqanka soomaalida,sidoo kalena shirkada Ethiopian Airline ayaa Hadiyad gaar ah gudoonsiisay Mdaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed cumar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.