Tuulooyin hoos Taga Baardheere oo lagu dilay qaar kamida Horjoogayaasha Al-shabaab

dagaal

Ciidanka xoogga dalka oo maanta howlgal ka sameeyay tuulooyin hoos yimaadda degmada Baardheere, ayaa bur buriyay saldhigyo argagaxisada Alshabaab ku lahaayeen halkaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Howlgalka waxaa lagu dilay mid kamid ah hor joogiyaasha sare sare oo ka tirsan Alshabaab kaas oo ciidanka soo bandhigeen meydkiisa.

Gaashaanle dhexe, Maxamed Dheer, oo ah taliyaha ururka 49 aad guutada 10 aad qeybta 43 aad ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo haleelay gaariga uu la socday oo ku sii jeeday deegaanada howlgalada ay ka socdeen.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgaladii maanta ay kula wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormari oo Alshabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Waxaa wali socda howlgalo lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka argagaxisada ah oo ciidanka ku weerareen fadhiisamadooda ee gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.