Daawo:Muuse Biixi oo fariin u diray Farmaajo iyo Mucaaradkiisa

muse

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa waxaa uu gaf ku tilmaamay in Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mucaaradka isku raacsan yihiin in dad dhex jooga Muqdisho ka dhigaan Xildhibaano metelaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Dhanka kale Madaxwayne Muuse biixi ayaa sheegay sidaan hoos ku qoran

“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi wuxuu sidoo kale sheegay in dadka adeegsanayo magaca Somaliland ee xilka xildhibaanimo ka raadsado Soomaaliya aanay iyagu matalin, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan iyo nac uun baad sii abuuraysaan,”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.