Ragii Shabaabka u qaabilsanaa Dilalka oo xukun dila lagu fuliyey

Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay dhagar qabe Maxamed Xaaji “Ilkacase” iyo rag ka tirsanaa shabkadiisa, kuwaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed.

Dhagarqabayaashan oo ahaa kuwii ugu halista badnaa argagixisada Al-shabaab ee dilal ka geysta magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu toogtay fagaaraha dugsiga Booliska ee general Kaahiye.

Janaraal Cabdullaahi Buulle kamey, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo fulinta xukunka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhagarqabayaashaan oo dilay dad badan oo ay kamid ahaayeen, marxuum Cumar Maxamed Abiikar 10-08-2016, sareeye guuto Ismaaciil Axmed Ismaaciil(Makayaalo) 28-10-2016, iyo marxuum Cabdulqaadir Daahir Diiriye 16-01-2018, lagu fuliyay dilka maanta oo taariikhdu tahay 29-11-2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.