Karaash oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid General khaliif Ciise Mudan

karaash

ku-simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka  Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan dowlad goboleedka punland iyo kan shacabka ayaa ka tacsiyeeyey geerida alle ha u naxariistee gen. khaliif ciise mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka turkiga.

Alle ha u naxariistee khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka dowliga ah, waxa uu soo noqday taliyaha ciidamada cirka soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii puntland, waxa uu kasoo noqday puntland wasiirka wasaaradda amniga iyo ddr-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada.

Madaxweyne ku-xigeenka puntland  Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum gen. khaliif Ciise Mudan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka puntland, si gaar ah waxa uu talafoon kula xiriiray qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu alle swc uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo jannatul fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo ummadda soomaaliyeed iyo shacabka puntlandba

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.