Sawiro:Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya oo booqday Isbitaalka Banaadir

sacuudi

Safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Dr Maxamed Cabdi-khani Al-Khayat  oo uu wehliyo Agaasime goboleedka Xaruunta Bani’aadannimada iyo Gargaarka  ee Boqor Salman Sacad Muhanna  ayaa waxaa xarunta loo diyaarinayo dhaqidda kaliyaha ku soo dhaweeyay maamulka Isbitaalka iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Safiirka iyo madaxda kale ayaa indha indheeyay xaruunta Dhaqidda kaliyaha oo hada Boqortooyada Sacuudiga ay rabto in ay qorshaheeda dhameystirto, maadaama horey loogu hakiyay sababo la xiriira dhismaha xarunta oo si ku meel gaara ay dowladda Soomaaliya ugu diyaarisay cudurka Safmarka COVID-19.

Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo ku hadlay magaca Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin howlgalinta xaruntan oo baahi weyn loo qabo.

Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif Maxamed ayaa xustay  in xaruntan ay ka faa’iideysan doonaan dad badan oo u dhiban kilya dhaqista.

Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Dr Maxamed Cabdi-khani Al-Khayat  ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku dhameystiri doonaan Dhaqidda kaliyaha oo ay kaa faa’iideysan doonaan dad badan.

Qeybta Dhaqidda kaliyaha ee Isbitaalka Baanadir oo ay maalgalineyso dowladda Sacuudiga ayaa la filayaa in goor dhow la howlgeliyo, wuxuuna qorshuhu yahay in lagu dabiibo dadka danta yar ee aadka ugu baahan dhaqidda kaliyaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.