Barlamaanka Soomaliya oo ansixiyay sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka

barlamaan

Kulanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan ‘’Nuux’’ uu dhaariyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud dib u dhiska iyo guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa magaca guddoonka Golaha Shacabka shahaado sharaf ku guddoonsiiyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo lagu abaalmariyay kaalintii ay ka qaateen dib u dhiska xarumo badan oo kuwo danta guud ah oo uu goluhu ka mid yahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saraakiishan ugu hambalyeeyay howsha wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Intaasi ka dib Xoghayaha guddiga Maaliyadda, miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa  ka hadlay muhiimadda uu dalka u leeyahay wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowladda, isagoo ka codsaday in goluhu ansixiyo sharcigan.

Xildibaannada Golaha Shacabka oo sharcigan cod u qaaday ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa badankood isku aragti ka qabay wax ka bedelka Qodobka 10-aad ee sharciga guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo mudo xileedkiisu uu ku ekaa Bishii September ee sanadkan, balse uu guddigu soo jeediyay In mudo afar sano ah loogu daro maadaamaa uu howlo muhiim  ah hayo, halka Xildhibaanadda qaar ay soo jeediyeen in gebi ahaanba guddigan dib u magacaabis lagu sameeyo.

Xildhibaanadda oo cod geliyay soo jeedinta Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ee ah in guddiga madaxabanana ee xuduudaha Federaalka  afar sano oo dheeraad  loogu daro mudo xileedkiisa ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan oo ah tirada Xildhibaannada kulanka joogay,sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xoghayaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ayaa golaha uga mahadceliyay ansixinta labadan sharci oo dalka muhiim u ah.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa Xildhibaannada ka hor Akhriyay Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda dhiira gelinta maalgashiga, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaannada ay dhowr su’aal Wasiirku ka weydiiyeen Hindise sharciyeedkan.

Sidoo sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ugu dambeyn kulanka soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.