Daawo:Arday iyo aqoonyahano si kulul Uga Hadlay Hadalkii Deni

ardaygedo

Kulan ay isugu yimaadeen Magaalada Muqdisho aqoonyahanno, dhalinyaro, haween iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Deegaanada Jubbaland Gaar Ahaanna Gobolka Gedo ayaa looga hadlay Xaaladda Gobolka Gedo iyo Hadal dhawaan kasoo yeertey Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Dani Oo Ku aadanaa Ardwydii Kaalamaha Hore ka gashey Imtixaankii Sanad dugsiyeedka 2019-2020.

Warmurtiyeed ay soo saareen aqoonyahanada ayaa u dhignaa sidan.

1. In aan la aqbali karin gefka uu madaxweyne Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani kula kacay ree jubbaland iyo gaar ahaan ree Gedo oo aan u aragno arrin ku saleysan quursi kadib markii uu Deni ku tilmaamay guusha imtixaanka ay ardaydayadu kasoo hoyiyeen in ay tahay mid aan la aqbali karin.

2. Ismida, waxgaradka iyo siyaasiyiiinta Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan gefka uu madaxweynahooda kula kacay bulshaweynta ree Jubbaland iyo aflagaadada aan ka fiirsiga laheyn ee uu kula kacay ardayda juhdiga kubixisay waxbarashada guulaha muuqdana soo hoyiday.

3. Hadii raali galin ama cadeynta mowqifkooda aanay muujin dhinacyada aan sare ku xusan waxaan u fahmeynaa in ay tahay arrin ay kamideysanyihiin oo ay la qabaan madaxweynahooda.

4. Kulanku wuxuu ugu baaqeyaa madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uusan dhag jalaq usiin dalabka qar iska tuurnimada ah ee Axmed madoobe uu ku dalbanaayo in ciidamada qaranka laga soo saaro xuduudaha gaar ahaan xadka aan kenya la wadaagno oo dhibaatooyin badan ay kajireen kahor inta aan lageyn ciidamada Qaranka bilowgii sanadkan.

5. Sidoo kale waxaan cadeyneynaa in aan gorgortan siyaasadeed lagu galin karin bulshada gobolka oo dhawaan un uu soo gaaray kaaha dowladnimada tan iyo burburkii Dowladdii dhexe.

6. Kulanku wuxuu taageero la garab taaganyahay shirweynaha dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay Ugaaska beesha sade kaas oo gogoshiisu ay ka fidsantahay magaalada garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo, dhawaanna lagu wado in uu rasmi u daah-furmo.

7. Waxaan soojeedineynaa in si dhab ah maslaxadda ree jubbaland loogu lafaguro kulankaas arrimo dan u ah guud ahaan ree Jubbalandna ay kasoo baxaan.

8. Qurba joogta ree jubbaland ayaan ugu baaqeynaa in taageero maaliyadeed ay ka geystaan shirkaas dib u heshiisiinta ah ee uu wado ugaaska beesha.

9. Dowladda federaalka ayaan dhinaceeda ugu baaqeynaa in ree jubbaland aysan u afduubin shakhsi kataliya hal magaalo oo qudha ayna aqbasho rabitaanka shacabka kuna shaqeyso.

10. Ugu dambeyn waxaan hambalyo u direynaa ardeyda gobolka oo kaalmo muuqda ka galay imtixaanka qaranka ee sanad dugsiyeedka 2019-2020 kaas oo ku dhawaad 40 qof oo ree jubbaland ah ay kamid noqdeen boqolka ardey ee ay dowladdu u balanqaaday waxbarasho jaamacadeed oo lacag la’aan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.